SAWIRRO: Maraykanka oo durba Ciidamada Xoogga ku wareejiyey sahay ciidan (Maxaa ku jira konteennarrada?!)

0

(Muqdisho) 13 Feb 2020 – Maraykanka ayaa durba Ciidanka Xoogga usoo raray saanaddii ugu horreeysey kaddib markii uu si rasmi ah dib ugu bilaabay kaalmadii tooska ahayd ee uu siin jirey oo uu hakiyey kol hore.

Maraykanka ayaa Ciidamada ku wareejiyay shidaal iyo saanado kale oo raashin ka mid yahay, halka aan la shaacin waxa ku jira konteennarrada qafilan.

Maraykanka ayaa todobaadkan ku dhawaaqay inuu dib usoo celiyey kaalmadii tooska ahayd ee uu siinayey Ciidamada Xoogga Dalka Somalia (SNA), si looga taageer howlgalka ay ciidamadaasi ka wadaan Shabbeellaha Hoose oo ay kula dagaallamayaan argagixisada Al Shabaab, sida ay sheegtay afhayeen Ryan Grizzle.

Waxaannu hambalyaynaynaa tillaabooyinka ay qaadday DF Somalia ee lagu hagaajinayo maaraynta maaliyadeed ee Somalia, taasoo qayb ka ah horumarinta iyo dib u habaynta hay’aadka dowladeed, iyo wanaajinta hab-howleedyada isla xisaabtanka, taasoo kalsooni dheeraad ah gelisey Maraykanka iyo dalalka kale ee deeqda bixiya, ayaa la daba dhigay.

”Waxaannu DF Somalia ku boorinaynaa inay sii amba qaaddo muhiimad siinta amaanka dalka, sidoo kale maaraynta hantida iyo raasumaalka dadka, si loo dhiso ciidamo karti iyo xirfad leh oo amaanka wax laga waydiiyo.

Howlahan oo loo soo gaabiyo SNAF ayaa Maraykanka ku qanciyey inuu taageero howlaha looga adkaanayo argagixisada, ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa intaa dheer, in dib u heshiin dhex marta DF Somalia iyo maamullada qaarkood ay iyaduna muhim u tahay dhaqan gelinta xukun wanaagga, amaanka iyo barwaaqada Soomaalida oo dhan, ayaa lagu soo afjaray warkan soo maray Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Maraykanka ayaa beri dhowayd ku dhawaaqay inuu SNA siinayo gaadiid casri ah oo u badan kuwa xamuulka ah iyo kuwa aysan qaraxyadu karin.

Hadalsame Media