Dal lacagtii ugu badnayd ku bixinaya dalka Somalia, ujeedka lacagtaasi

0

(Muqdisho) 13 Feb 2020 – Dalka Somalia ayaa heshay ballan qaad dhaqaale oo muhim ah, kaddib kulan Addis ku dhex maray madaxda dalalka Somalia iyo Canada.

Dowladda Canada ayaa Somalia u ballan qaadday lacag ku dhow 2 bilyan oo ah doollarka Canada ama 1.8 bilyan, taasoo qayb ka ah qorshaha qaan cafinta Somalia.

Canada ayaa sidoo kale Somalia la jeexjeexday in la khafiifiyo caqabaadka iyo xayiraadaha saaran labada dal oo aan lahayn hannaan fiise oo saaxi ah, marka laga reebo inay Canada ka mid tahay dalalka sida wanaagsan u qaabila Soomaalida Somalia.

DF Somalia gaar ahaan xukuumadda iminka jirta ayaa galaangal badan ugu jirtey sidii loo cafin lahaa qaamaha raagey ee lagu leeyahay Somalia, kuwaasoo hor taagan in uu dalku helo mashaariic maalgelineed oo heer sare ah (high scale), si dalka dib loogu dhiso.

Dalal ay ka mid yihiin Norway, Maraykanka, Qadar iyo qaar kale ayaa horay ugu yaboohay malaayiin doollar oo qayb ka noqonaya qorshaha qaan cafinta, iyadoo uu Maraykanku sidoo kale Somalia u cafiyey 2 bilyan oo uu ku lahaa.

Hannaanka maaliyadeed ee Galbeedka hoos taga ee Bretton Woods loo yaqaanno oo ay shuclada u sidaan IMF iyo Baanka Adduunka ayaan inta badan qaamo cusub siinin dalalka ay qaamihii hore ku raagaan (bad debt).

Hadalsame Media