Dad badan oo ka xumaaday halka la geeyay qaddiyad 30 sano la isku khilaafsanaa!! (Ma taqaan meesha lagu shiray)

0

(Addis Ababa) 13 Feb 2020 – Waxaa dhowaan kulmay MW Somalia Maxamed Farmaayo iyo MW maamulka Somaliland ee goosad doonka ah, Muuse Biixi.

Wasiir Dibadeedka Somaliland, Yaasiin Faratoon oo hadlayey kaddib markii ay wefdiga Somaliland gaareen magaalada Hargaysa ayaa sheegay halka ay ku kulmeen.

”MW Biixi & MW Farmaajo, Xafiiska RW Abiy Ahmed ayay ku kulmeen.” ayuu yiri Faratoon.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa khajilaad ka muujiyey madasha ay ku kulmeen labada hoggaamiye.

”Maxaa u diidey inay Muqdisho ama Hargaysa midba mar fariistaan oo ku wada hadlaan, haddiiba ay ogol yihiin inay ku shiraan Xafiiska dal ay Somalia kala dhexeeyaan dano istaraatijiyadeed?” ayuu is waydiiyey Cali Cabdi oo ku nool magaalada Muqdisho oo u warramay Hadalsame.

”Ugu yaraan maaddaama ay qaddiyaddani tahay mid Somalia ku kala maqan tahay muddo 30 sano ah, ma ahayn in lala fariisto Xafiiska siyaasiga ah dal kale.” ayuu ku dooday Xersi Aadan oo deggan magaalada Stockholm.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa ku wareersan siyaasadda jid iyo jiho la’aanta ah ee Somalia, iyadoo ay qolo waliba meel ku dheggan tahay, balse aanu jirin qorshe 2-aad iyo fiirinta danta guud ee umadda.

Hadalsame Media