RASMI: DF Maraykanka oo si rasmi ah liiska argagixisada uga saartay sharikaadka Barakaat, tafaasiil

0

(Washington, DC) 13 Feb 2020 – DF Mareykanka ayaa si rasmi ah xayiraaddii saarnayd uga qaadday, isla islamar ahaantaan liiska argagixisada ka saartay shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha Al-Barakaat Group of Companies ee dalka Somalia.

Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, gaar ahaan xafiiska ugu qaybsan maamulka hantida shisheeyaha, ayaa lagu xaqiijiyey in wixii shalay ka bilaabma uu madaxoodu xor yahay sharikaadka hoos yimaada Barakaat oo idil.

Waxay sharikaadka la fasaxay ee hoos taga Al-Barakaat Group of Companies kala yihiin: Al-Baraka Exchange LLC, Al-Barakaat Bank, Al-Barakat Financial, Al-Barakat Global Telecommunications iyo qaar kale oo qabta adeegyo kala duwan.

Arrintan ayaa khabar wanaagsan u noqonaya hay’adda isgaarsiineed ee ugu ballaaran Somalia, iyadoo ay QM horay uga saartay liiska argagixisada bishii Febraayo 2012.

Barakaat ayaa waxaa liiskan ku daray isla markaana go’doomiyey maamulkii George W Bush oo ku eedeeyay inay taageerto kooxaha argagixisada kaddib weerarradii Sept.11, waxaana si rasmi ah taxa xag-jirka loogu daray 2011-kii, iyadoo ay dad badan lacagayoow uga go’doomeen.

Hadalsame Media