Maamulka Puntland oo sabab u noqday inay ganacsatadu diidaan Shilin Soomaaliga (Arag caddaynta)

0

(Boosaaso) 09 Feb 2020 – Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu soo rogey in canshuurta uu ka qaado dadka maxalliga ah lagu bixiyo Doollarka, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii uu xilka qabtay Md Deni.

Arrintan ayaa soo dedejisey inay ganacsatadu iyaguna markooda joojiyaan qaadashada Shilin Soomaaliga, sida ay sheegtay Idaacadda Daljir.

Lama oga sababta uu maamulka Puntland u diidey inuu qaato Shilin Soomaaliga iyo sababta ay ganacsiyada qaar iyaguna u joojiyeen maadaama aanay si toos ah iskugu xirnayn canshuur bixinta iyo lacagta suuqa ku jirta.

Halkan hoose waxaad ka arki kartaa foorno ku taalla magaalada Boosaaso oo dib u dejisey sicirka walxaha ay iibisi oo markan lagu sar gooyey lacagta Doollarka Maraykanka.

Hadalsame Media