Turkiga oo tikniko dheeraad ah ku xoojiyey ciidamada ka jooga Suuriya (Dagaal ay la geli karaan kuwa Asad)

0

(Ankara) 09 Feb 2020 – Turkey ayaa boqollaal gaari oo kuwa tiknikada ah oo xoojin ah u diray gobolka woqooyi galbeed Suuriya ee Idlib.

Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa dhowaan qabsaday meelo u dhow gobolkan istaraatijiga ah, gaar ahaan caasimadda.

Ciidamadan cusub ee xoojinta ah ee Turkigu soo diray ayaa kusoo beegmaya jeer ay Ankara ku shireen Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera ciidamo iska horjeeda muddo 9 sano ah oo uu dalkaa ka holcayo dagaalka sokeeye, si ay uga arrinsadaan qaybta ugu dambeeysa ee ka maqan gacanta Bashar al-Assad.

Cakirnaanta xaaladda Idlib ayaa barabixisay dad ku dhow nus milyan dad ah waxayna xitaa su’aal gelisey iskaashiga booca ku taagan ee u dhaxeeya Russia iyo Turkey, oo dalkiisa ku marti geliya 3.6 milyan oo ah qaxooti Suuriyaan ah, kana cabsi qaba mowjado cusub oo qaxooti soo jabay ah.

MW Turkiga, Tayyip Erdogan, oo uu dalkiisu taageero malliishiyaad kala duwan oo bilowgii doonayay inay tuuraan taliska Assad, ayaa todobaadkan ku gooddiyey inuu cudud u adeegsan doono ciidamada Suuriya ee Ruushku taageero, haddii aysan halkaa ka bixin dhamaadka bishan Febraayo.

Hadalsame Media