INTER MILAN VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 09 Feb 2020 – Waxaa caawa fiidkii la dhowrayaa kulanka caanka ah ee Derby della Madonnina, kaasoo aan marna lumin dhadhankiisii maxalliga ahaa, balse haatan soo ceshanaya midkiisii caalamiga ahaa.

Sida ku dhigan Tuttosport, waxaa ciyaartan laga daawan doonaa 200 oo dal oo caalamka ka mid ah, waxaa garoonka jooga in ka badan 60 agabka wax duuba oo caalamka u duwaya iyo 250 weriye oo wax ku teban doona afafka adduunka min Yurub, Ameerika, Aasiya ilaa Afrika.

Dhanka Inter: Handanovic, oo faraha gacanta bidix ka sheeganaya ayaa caawa kaydka kululayn doona: Padelli ayaa sidaa darteed goolka ilaalinaya. Candreva ayaa baalka midig uga ka cad cad Moses, halka khadka dhexe ay buuxinayaan Barella, Brozovic iyo Vecino isagoo u wareegey 3-5-1-1 taasoo uu Eriksen kaligii taageerayo Lukaku.

Dhanka Milan: Bennacer ayaa ganaaxii kasoo laabtay wuxuunaa qaadanayaa furaha khadka dhexe. Pioli ayaa isna u wareegey 4-4-1-1 iyadoo uu Rebic buuxinayo dadabka bidix, halka Calhanoglu uu joogo dhanka midig ama uu ka gadaal ciyaarayo Ibrahimovic. Kjaer ayaa booska daafaca dhexe uga cad cad Musacchio.

Hadalsame Media