”Laacibiinta Inter waa wada OOYAYEEN!” – Moratti oo ka hadlay maalintii ay Milan sida xun u bahdishey kooxda Inter + Sawirro

0

(Milano) 09 Feb 2020 – Caawa waxaa ballansan labada naadi ee Inter iyo AC Milan. RW hore ee Talyaaniga ee Silvio Berlusconi ayaa sheegay inuu laacibiinta Milan ku canaantay ciyaartii ay 6-0 uga badiyeen Inter kulanka Derby della Madonnina, halka Massimo Moratti uu kashifay in ciyaartooyda Inter “ay ooyayeen ciyaarta oo socota.”

Halkan ka daawo sawirrada…

“Kulan derby ah midkii iigu wanaagsanaa waa midkii labada lugood ee aadka loogu hardamey ee nus-dhamaadka Champions League ee 2003. Markaas oo aan Inter San Siro ku reebnay kaddibna Juventus uga adkaannay Final-kii Manchester,” ayuu yiri Berlusconi oo la hadlayey Corriere della Sera.

Yeelkeede, taageerayaal badan Rossoneri ah ayaa dooran lahaa ciyaartii ay 6-0 ku garaaceen 2001-dii, balse Berlusconi si kale ayuu wax u arkaa.

“Xitaa uma dabaaldegin natiijadaas. Waxaa la ciyaaray Jimce doorashada kahor, sidaa darteed, waxaan ka ololaynayey Roma,” ayuu yiri.

“Dabiiciyan, waan ku faraxsanaa natiijada, balse waxaan u cowday macallinka (Cesare Maldini) oo aan uga ashtakoodey goolasha faraha badan. Waa cadaalad darro inaad waxa sii xoqdo adigoo mar hore guulaystey.” ayuu daba dhigay.

Dhanka kale, waxaa kulankaa ka hadlay badroonigii hore ee Massimo Moratti, oo habeenkaa garoonka joogey, wuxuuna kashiday arrin dadka ka qarsanayd.

“Weli waan xusuustaa ooyintii laacibiinta. xilligii kaambiyada waxaan galay qolka dhar bedelka halkaasoo ay ciyaartooyda qaarkood si kal iyo laab ah oo ooynayeen. Ooyin ay ilmadu hibitiqlaynayso.” ayuu yiri Moratti.

“Waxaan u sheegay in kubadda aan la saadaalin karin oo ay geesinnimo iyo ad-adayg muujiyaan. Markii 5-0 nala gaarsiiyay se garoonka waan iskaga tegey.” ayuu daba dhigay.

Moratti ayaa sheegay in uu doortay inuu laacibiinta masloxo oo niyadda u dejiyo halkii uu canaanan lahaa.

“Waa inaad taageertaa, u tacsiyaysaa oo niyaddooda soo qaaddaa. Waxaa awood la muujiyaa marka ay wax kastaahi fiican yihiin oo aad ka digayso in ay is dhigtaan. Balse markan oo kale qaylo waxba ma tarto.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media