KA FAA’IIDAYSO: Ma ogtahay in CUUDKA carafta badan uu CUDUR keeno?

0

(Hadalsame) 07 Feb 2020 – Waxa jira geed la yidhaahdo AGARHOOD oo badanaa ka baxa waqooyi-bari dalka Hindiya, Bangaladheesh iyo Koonfurta bari ee qaaradda Aasiya.

Geedkani faa’iidooyin badan buu aadanaha u leeyahay oo daawooyin iyo saliido udgoon oo cadarada laga sameeyo ayaa laga helaa.

Haddaba geedkani kolku jirroodo wuxu sii daayaa dheecaan (Enzyme) uu iskaga difaacaayo cudurka, dheecaankaasina wuxu qoriga geedka u yeelaa udgoon la yaab leh.

Waxaana laga sameeyaa CUUDKA udgoonka badan ee aynu guryaha iyo meheradahaba ku shidano. Waxa xusid mudan in aan geedkani haddii aanu xanuusan qorigiisu caraf yeesheen.

Cuudka qorigiisa laga sameeyona haddaan dab lagu shidin; udgoonka dhuuxiisa ku duugani dibadda u soo baxeen.

Waxaa sidaa la mid ah waxyaabo badan oo markii la jarribo wax wanaagsan soo saara, sida dahabka oo markii la gubo dahab noqda.

Sidaa si la mid ah, ayay dadkuna dabcan wacdaraha nolosha wax ku noqdaan, oo qofku marka uu dhibaato soo maro waxaa soo baxa duntiisa saxda ah xumaan iyo samaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media