Shiinaha oo doonaya inuu LAAYO dadka qaba fayruska Coronavirus (Go’aan maxkamadeed oo…)

0

(Beijing) 07 Feb 2020 – Maxkamadda Sare ee Shiinaha ee Supreme People’s Court, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Jimce ah go’aan ka gaarto in la xasuuqo bukaannada la dhul yaalla cudurka fayruska coronavirus ee dalkaasi, si baa la yiri ay u ”xakameeyaan cudurkan.”

Shiinaha ayaa ka werwersan in uu howlwadeennadiisa caafimaadkiisa in badan oo ka tirsan uu ku waayo la tacaalidda cudurkan, maadaama ay dhinteen dhakhaatiir muhim ahaa iyo kalkaaliyeyaal badan oo ugu yaraan 20 gaaraya.

Dowladda Shiinaha ayaa ku doodaysa in bukaannada isbitaallada la dhigayo kaliya lagu daalayo balse ay ugu dambayn cudurkan u dhimanayaan inta badan, sidaa darteed, ay cudurka uun sii faafinayaan.

Shiinaha ayaa horraanba lagu eedaynayay sida uu cudurkan u wajahayo, iyadoo lagu xamanayo inuu haddaba laayey bukaanno badan oo cudurkani haleelay. Waxaana haatan lagu warramayaa inuu doonayo inuu laayo ugu yaraan 20,000 oo bukaan ah.

Dowladda ayaa dokumentiyada ay Maxkamadda u dirtay ku sheegtay inay muwaadiniin badan oo caafimaad qaba waayi doonto haddii aanay kuwa bukaa naftooda u hurin badbaadada kuwa weli faya qaba, taasoo ah arrin anshax ahaan aad looga dayriyey.

Hadalsame Media

Facebook Comments