Dhaqaalaha Imaaraadka oo hoos u dhac ku socdo (Shirkad caan ah oo 38 dayuuradood xaraashaysa)

0

(Abuu Dabeey) 04 Feb 2020 – Sharikadda duullimaadyada Etihad ayaa joojinaysa dayuurado fara badan oo u dalbanaa isla markaana iibinaysa daraasiin ka mid ah dayuuradaha duullimaadyada dhaadheer ee raxanteeda ka mid ah.

Etihad oo dhaqaale ahaan liiqliiqanaysa ilaa muddo, isla markaana dib isu qaabayn ku jirta, ayaa si ay khasaaraha uga baxdo faa’iidana u hesho kharashaadka dhimaysa.

Waxay shirkaddani lumisay $5 bilyan oo doollar 3-dii sanadood ee tegey, waxayna doonaysaa inay taa wax ka qabato, waxayna sidoo kale jaraysaa lacago ay ku darsato airberlin, Alitalia, Air Serbia, Air Seychelles, iwm.

Bilowga 2019, Etihad ayay u dalbanaayeen in ka badan 150 dayuuradood oo ay ku jiraan noocyada A321yo, A350-900, A350-1000, 777-8, 777-9, 787-9, iyo 787-10yo.

Sanadkii tegey waxay shirkaddu sheegtay inay kansalayso in badan oo ka tirsan dalabyadaasi, waloow ay qaadanayso qaarkood sida 26 xabbo oo A321 ah, 5 xabbo oo A350-1000 ah, 6 xabbo oo 777-9, iyo qaar 787 ah.

Etihad ayaa iibinaysa 38 xabbo oo ka mid dayuuradeheeda

KKR iyo Altavair AirFinance ayaa sheegay in ay heshiis kula gaareen Itixaad inay ilaa 38 dayuuradood oo gacan 2-aad ah balse caafimaad qaba uga iibsanayaan Etihad Airways lacag dhan $1 bilyan oo qura, taasoo ah lacag yar marka loo eego qiimaha dayuuradaha.

Waxaana laga iibinayaa dhamaan Boeing 777-300ER iyo A330 (gaar ahaan -200 iyo -300) oo leh matoorrada Trent. Etihad ayaa fariisinaysey noocyada A330 sanadkii tegey oo dhan.

Arrintan ayaa muujinaysa hoos u dhac ku dhacay sharikaad badan oo Imaaraati ah oo ay ku jiraan kuwa dhismaha, kaddib markii uu dalkaasi isu rogey mid foowdaawi ah, oo uu sidaa sumcad badan ku lumiyey.

Hadalsame Media