Dadka reer UK oo durba wajahaya caqabadihii ka dhashay Brexit (Arrin durba dhacday)

0

(Hadalsame) 02 Feb 2020 – Dadka reer Britain ayaa durba wajahaya caqabadaha ka dhashay ka bixitaanka Midowga Yurub, iyagoo ka baxay dadka u shaqayn kara dayuuradda Ryanair. Taasoo ka dhalatay go’aankii Brexit.

Dayuuradda rakhiista ah ee ugu wayn Yurub ayaa carwo ay shaqaale cusub ku qoranayso ku qabanaysa Manchester marka la gaaro 22-ka Febraayo 2020.

Ryanair ayaa raadinaysa shaqaale la siinayo “mushahare sare isla markaana ka faa”iidaysanaya safarrada ay gela6yaan”, balse waxaa qofka soo dalbanaya laga doonayaa in uu xad la’aan ka shaqaysan karo kuna noolaan karo Yurub.

Shuruuddaas ayaa ka hor imanaysa muwaadiniinta UK, marka laga reebo kuwa haysta labada dhalasho.

Hadalsame Media