Ethiopian Airlines oo ku dhaqaaqday arrin walaac gelinaysa Somalia

0

(Addis Ababa) 04 Feb 2020 – Sharikadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay sii wadanayso duullimaadyada ay ku tagto dalka Shiinaha iyadoo raacaysa hab-raacyada ay WHO u dejisey safaradda caalamiga ah.

Yeelkeede, dadka ku dhintay cudurka Shiinaha ku dhuftay ee Coronavirus ayaa haatan gaaraya 425 kiis, iyadoo ay la il daran yihiin in ka badan 20,471 oo bukaan ah, sida uu sheegay China Global Television Network (CGTN).

Saas oo ay tahay, Ethiopia Airlines weli ma hakinin duullimaadyadeeda China waxaana arrintaa ka walaacsan dadka reer Ethiopia oo taas ku tilmaamay ”dil kama’ ah.”

Yared Haile-Meskel oo Addis Ababa ku leh sharikad sharciyada ka tala bixisa ayaa soo Tweet gareeyay:

“Tani khalad oo qura maaha, waxaa sidoo kale loo arki karaa dil heer shirkadeed ah. Ethiopia ma laha shaybaar, malaha maasgare gaas, malaha isbitaallo wax lagu karaantiilo, dawana ma hayso.”

Shalay wuxuu hilinka EBC sheegay in Itoobiya lagu arkay 3 bukaan ah oo lagu tuhmayo cudurka ka dhasha CoronaVirus, kuwaasoo ay 3 Ethiopian yihiin, midna Chinese.

Kaaga darane, saamiyadii dhiigga laga qaaday ayaa waxaa loo diray South Africa  si loo soo baaro.

DF Somalia ayaa loosoo jeediyay inay arrintan tillaabo ka qaaddo, maadaama ay EA sidoo kale timaado magaalooyin ka tirsan Somalia.

Hadalsame Media