Ilhaan Cumar oo masjid uga khudbaysay halku dheggii Bernie Sanders!!

0

(Des Moines) 02 Feb 2020 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Koongarayska ayaa sheegtay in haddii ay Muslimiintu doonayaan ”inay ka muuqdaan” miisaska lagu go’aamiyo talada dalka ay codeeyaan, xilli ay umadda Muslimiinta ah kula kulantay Des Moines, Iowa.

Cumar ayaa masjidka tagtay xilligii salaaddii Jimcihii, taasoo ku beegnayd 3 maalmood uun kahor bilowga olole horaadka Dimoqraadiga oo lagu qabanayo Iowa.

Ilaa 5 masjid oo ku yaalla Iowa ayaa u diyaar ah inay ka qayb galaan ololaha doroashada oo Isniinta soo aaddan bilaabmaya.

Gobolkan oo dhaca bartamaha galbeedka Maraykanka ayaa waxaa ku nool Muslimiin fara badan, waxaana xitaa ku yaalla mid ka mid ah mid ka mid ah masaajidda ugu waawayn Maraykanka.

“Aniga maya, annaga.”

Cumar oo bishii Oktoobar taageertay musharraxnimada Bernie Sanders oo ah senatar ka socda Vermont ayaa masjidka la tagtay halku dheggiisa siyaasadeed.

“Markii uu Bernie leeyahay ANNAGA, waxaan ku dhex jirnaa ”ANNAGADAAS,” ayay Ilhaan ku tiri jamaacadii masjidka.

Waxay intaa raacisay in Sanders “uu u muuqdo mid halis ku ah xaaladda iminka taagan” maxaa yeelay “Bernie waxaa u muuqda qof kasta” ee dad gaar ah uu ma arko.

Hadalsame Media