DEG DEG: Maraykanka oo si taxaddar leh usoo dhoweeyay doorashada Galmudug, baaq

0

(Muqdisho) 02 Feb 2020 – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweysey doorashada Madaxwaynaha iyo Xigeenka maamul-goboleedka Galmudug.

Safaaradda ayaa war ay boggeeda kusoo qortay wuxuu u dhignaa sidatan:

”Geeddi socodka #Galmudug waa bilowga geeddi socod dib u heshiisiineed oo sal ballaaran.”

”Danjire Yamamoto wuxuu qof kasta ugu baaqayaa inuu kasoo qayb galo wada xaajood nabadeed ayna ka fogaadaan wixii rabsho ah.” ayaa la daba dhigay.

”Waxaan u hambalyaynaynaa Madaxwaynaha haatan la doortay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Hadda waa in aannu diiradda saarnaa muhiimadda 1-aad ee Somalia = Amaanka.” ayaa lagu soo koobay. https://bit.ly/2GICdAy

Warka Safaaradda Maraykanka ayaa waxaa ka muuqata in ay xaajadu weli furan tahay oo loo baahan yahay in wada xaajood lala galo dhinacyada saluugsan doorashada dhacday.

Hadalsame Media