KASHIFAAD: Maamul-goboleedyada oo DF ku cadaadiyay in Puntland SHAHAADADA loo diido!

0

(Muqdisho) 02 Feb 2020 – Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ay beryahan isku dheggan yihiin maamulka Puntland oo dalbaday in la siiyo shahaadada heerka qaran, tiiyoo ay jirto inay diideen in la mideeyo manhajka dalka iyo inay galaan imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee heer qaran.

Wasiirka ayaa horay u sharraxay in waxa la isku hayaa aysan ahayn dastuur iyo heshiis horay loo galay toona, balse ay xaajadu joogto xeer degsan oo ah in ”qofkii aan gelin imtixaanka ay muraaqibaynayso isla markaana agaasimayso DF Somalia, aanu xaq u lahayn shahaado.”

Wasiir Goodax Barre oo sheegay in moowqifkan aysan ka laabanayn, isla markaana ay horay dhowr mar ugu tanaasuleen maamulka Puntland isla markaana sheegay inuu xitaa soo jeediyay in hannaanka la geeyo Puntland oo shahaadooyinka xagga laga bixiyo balse ay diideen, ayaa wuxuu kashifay arrin kale.

Wasiirka ayaa sheegay in kulan ay Wasaaradda Waxbarashada DF ay la yeelatay kuwa maamul-goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay laba farood loo taagey:

”Waxay maamulladu nagu yiraahdeen, haddii aad Puntland oo aan imtixaanka gelin shahaado siisaan, annaguna waxaan samaynaynaa imtixaanno adinka ayaana shahaadooyinka la idinka rabaa.” ayuu yiri Goodax oo sheegay inay shacabka Puntland ogol yihiin ka qaybgalka imtixaanka, balse sida uu yiri ay jiraan dad yar oo ay u afduuban tahay waxbarashada Puntland.

”Gobolba imtixaan kaligii ha galo waxay la mid tahay midba iskii baasaboor ha u yeesho, mana soconayso,” ayuu yiri Wasiirka oo sidoo kale aad u cambaareeyay war uu Faroole sheegay oo ahaa in uu CCC kula heshiiyay in deeqaha waxbarasho ee Somalia 25% Puntland la siiyo oo uu ku tilmaamay wax lagu qoslo.

Hadalsame Media