Dal abaal marin ku dhiibaya u dhimrinta YAXAAS dhibban! (Maxaa dhacay?)

0

(Sulawesi) 31 Jan 2020 – Gobol ka tirsan dalka Indonesia ayaa abaal marin u ballan qaaday qofkii ku dhaca inuu yaxaas wayn qoortiisa ka bixiyo taayar mooto.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka dalkaas ee Antara, yaxaasan oo 13-cagood ah (4-mitir) ayaa taayarkan qoorta ku sitey tan iyo 2016-kii, markaasoo ah goortii ugu horreeysey ee lagu arkay webiga Palu River ee gobolka Central Sulawesi.

Yaxaaskan ayaa ka badbaadey sunaami gobolkaa ku dhuftay 2018-kii — balse taayarkaasi qoortiisa kama bixin, sida ay wakaaladdu sheegayso.

Maadaama cabsi laga qabo in uu taayarku yaxaasta ceejiyo, Waaxda Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ee Central Sulawesi (BKSDA) ayaa todobaadkan bilowday tartan furan.

“Waxaa abaal marin la siinayaa qofkii taayarka kasii daaya xamaaratadan nasiibka daran,” ayuu yiri madaxa Central Sulawesi ee hay’adda BKSDA Md Hasmuni Hasmar, oo ay soo xigatey Antara.

Sanaddii 2018-kii, nin gayfane xayawaan ah oo la yiraahdo Muhammad Panji ayaa isku dayey inuu hilib ku dabo balse kuma guulaysanin. Lama faahfaahin nooca abaalmarinta.

Hadalsame Media

 

Both attempts were unsuccessful.