XOG: Ruushka oo doonaya inuu saldhig ciidan ku yeesho Somalia

0

(Moscow) 31 Jan 2020Saamaynta isa soo tareeysa ee Moscow iminka ku yeelanayso qaaradda Afrika ayaa reer Galbeedka walaacinaysa.

Ruushanka ayaa la sheegay inuu u malabsanayo inuu markale saldhig ku yeesho magaalada Berbera oo laga eryey 70-meeyadii xilligii Midowgii Soofiyeeti ee burburay.

Berbera ayaa iminka hoos tagta maamulka Somaliland, oo sheegtay in uu ka go’ay Somalia wuxuuna aaggaasi garabka ku hayaa Gacanka Cadmeed.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Gaashaandhigga Maraykanka, arrintan ayaa walaacinaysa Maraykanka oo haatan ku sugan Jabuuti oo uu saldhig ku leeyahay iyo koonfurta Somalia oo uu dhowr magaalo ka joogo, sida Muqdisho, Kismaayo iyo Balli-doogle. Shiinaha ayaa sidoo kale Jabuuti jooga.

Ruushka ayaa sidoo kale muujiyay inuu xiisaynayo inuu saldhig bixiya sahayda ciidamada badda ka dhisto Eritrea, balse ma cadda ilaa iyo heerka ay wada xaajoodyadu iminka marayaan, sida ku qoran NYT.

DF Somalia ayaan hubaashii ogolaan doonin in xilligan uu Ruushku xarun ka samaysto woqooyiga Somalia, oo aan ogolayn ka mid ahaanshiyaha Somalia.

Sidoo kale lama oga inuu Ruushku iminka doonayo iyo inuu rabitaankiisu yahay mid mustaqbali uun ah.

Hadalsame Media