”Dan wayn baa noogu jirta cudurka ka dillaacay Shiinaha!” – Maraykanka

0

(Washington, DC) 31 Jan 2020 – Xoghayaha maaliyadda ee dalka Mareykanka, Wilbur Ross ayaa sheegay in caabuqa dilaaga ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha, haatanna ku faafay dalal badan oo caalamka laga yaabo in uu u wanaagsan yahay dhaqalaaha Mareykanka.

Mar uu la hadlayay telefishenka Fox News ee dalka Mareykanka ayaa Wilbur wuxuu sheegay “in cudurka Shiinaha ka dilaacay ay soo dedejin doonta shaqooyin badan oo dib loogu soo celiyo Waqooyiga Mareykanka”.

Mar xoghayaha wax laga weydiiyay khatarta cudurkan uu ku yeelan karo dhaqaalaha Mareykanka ayaa waxaa uu yiri: “xaqiiqdii waa arrin u wanaagsan ganacsiga, marka waxay ila tahay inay soo dedejin doonta shaqooyin badan oo dib loogu soo celiyo gudaha Mareykanka, sarena u qaadi doonta dhaqaalaheena”.

Hadalka kasoo yeeray xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka ayaa waxaa cambaareeyay dadka dhaliila xukuumadda madaxweyne Trump.

Cudurka ka dilaacay Shiinaha ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaqaalaha wadankaas, maadaama shirkado badan ay shaqaalahooda kala baxeen Shiinaha.

Wilbur Ross-Xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka

Haseyeeshee hadalka sarkaalkaas ayaa waxaa markii dambe ka hadlay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka oo u muuqatay in ay saluugsan tahay qabaka uu u hadlay.

Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in tallaabada koowaad ay tahay sidii loo xakameyn lahaa cudurka, looguna gargaari laha dadka ay dhibaatada kasoo gaadhay.

“Waa muhiim in la eego cawaaqibka ka dhalan kara in ganacsi lala sameeyo dal taariikh dheer u leh in uu qariyo khatarta dhabta ah ee uu ku hayo dadkiisa iyo dalalka caalamka”, ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda maaliyadda ee Mareyankanka.

Hadalka xoghayaha maaliyadda, Wilbur Ross ayaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday dalka Mareykanka, waxaana dadkii ka hadlay kamid ahaa Don Beyer oo katirsan aqalka Kongreska.

Don Beyer oo kasoo jeeda xisbiga mucaaradka ee dimuqraadiga ayaa su’aal gelisay ganacsi iyo faaido laga sameeyo cudur dilaa ah oo dhibaato ba’an ku haya dad rayid ah.

Hay’adda caafimmaadka adduunka ee WHO ayaa caabuqa corona ee ka dilaacay dalka Shiinaha u aqoonsatay xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Caabuqa Corona ayaa Shiinaha ka dilaacay bilo kahor

Saraakiisha caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in dadka uu haleelay xanuunka corona ay haatan tiradoodu gaareyso ku dhawaad toban kun, halka 210 qofna ay u dhinteen.

WHO ayaa walaaca ugu weyn ee ay qabaan ku tilmaamtay haddii cudurkan uu ka dilaaco dalalka hannaankooda caafimmaad uu hooseeyo oo aan awoodin inay ay la tacaalaan. Cudurkan ayaa haatan ku faafay 18 dal oo caalamka.

Khubara dhanka dhaqaalaha ayaa sheegay in cudurka uu saameyn ba’an ku reebi doona dhaqaalaha caalmka, taas oo ay shegeen in ay ka darnaan doonta xanuunkii SARS.

Xanuunka SARS oo 17 sano kahor ka dilaacay isla dalka Shiinaha ayaa waxa auu haleelay dad gaaraya 8 kun, halka 700 oo qofna ay u dhinteen, waxaana uu caalamka ku keenay khasaaro dhaqaale oo dhan 30 bilyan oo doolar.

Hergabka ama caabuqa corona ayaa shirkado badan oo ka hawlgeli jiray dalka Shiinaha oo ay kamid yihiin kuwa sameeya baabuurta iyo shirkadaha tiknolojiyadda ku qasbay inay xiraan xafiisyadii ay ku lahaayeen Shiinaha.

Shirkado badan oo Mareykan ah ayaa dalka Shiinaha ka furtay xafiisyo waaweyn oo wax soo saar badan leh, maadaama dalka Shiinaha ay shirkadahaas ka helayaan xirfadleyaal ku shaqeeya mushaar ka yar kan Mareykanka.

Isha: BBC

Hadalsame Media