WAR CUSUB: Maraykanka oo qirtay dhibaato kasoo gaartey weerarkii lagu qaaday Saldhigga Lamu

0
In this photo taken Aug. 26, 2019 and released by the U.S. Air Force, airmen from the 475th Expeditionary Air Base Squadron conduct a flag-raising ceremony, signifying the change from tactical to enduring operations, at Camp Simba, Manda Bay, Kenya. The al-Shabab extremist group said Sunday, Jan. 5, 2020 that it has attacked the Camp Simba military base used by U.S. and Kenyan troops in coastal Kenya, while Kenya's military says the attempted pre-dawn breach was repulsed and at least four attackers were killed. (Staff Sgt. Lexie West/U.S. Air Force via AP)

(Lamu) 24 Jan 2020 – Ciidamada Maraykanka ayaa soo saaray tafaasiil cusub oo ku saabsan weerarkii Jan. 5 lagu qaaday saldhig badeed ay wada degganaayeen ciidamada Badda Maraykanka iyo kuwa Kenya.

Warqaadka liberaalka ah ee New York Times ayaa xaaladdii ay ku sugnaayeen ciidamada halkaa deggan ku sheegay mid aan nidaamsanayn oo foowdo iyo is barbar yaac ka dhacay.

Yeelkeede, Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika (Africom) ayaa soo saaray warbixin ay gaashaanka ugu daruureen warbixinta Times, oo sheegay in Ciidamada Maraykanka ay kedo ku noqotay arrintu, iyadoo ay saacad ka badan ku qaadatay inay ka fal celiyaan weerarkii gacanka Manda Bay, Kenya, iyo xitaa inay daad gureeyaan dadkii dhaawacmay.

Askari ka tirsan Ciidamada Lugta Maraykanka, Henry Mayfield, iyo laba qandaraas qaate, Bruce Triplett iyo Dustin Harrison, ayaa weerarkaa lagu diley, halka la burburiyey hangar ay lahaayeen dayuuradaha rayidku.

Africom ayaa haatan qirtay in burburka loo gaytey dayuurad goobta taalley ay muujinayso in qoladii weerarka soo qaadday ay gaareen woxoogaa guul ah.

Balse waxay sheegeen in tillaabo wax ku ool ah oo ku beegan waqtigii ku habboonaa la qaaday, si loo dhimo waxyeello intan ka badan oo dhici kari lahayd, isla markaana meesha laga saarey dhib dheeraad ah.

Waxaa la sheegay in ciidamada Maraykanka ee halkaa jooga oo ka yar 350 askari, asal ahaanna xerada ku yimid tababarka kuwa Kenya ay saacado badan ku qaadatay inay xaqiijiyaan amaanka saldhigga, xerada oo aad u ballaaran darteed.

Hadalsame Media