Golaha Amaanka QM oo XANNIBAYA agab ay Shabaabku aad u adeegsadaan & waxyaabo kale

0

(New York) 24 Jan 2020 – Golaha Amaanka ee QM ayaa ka arrinsanaya inay qaraarro cusub kasoo saaraan dalka Somalia sanadkan 2020, kaddib marka ay la tashato, iyadoo la tashanaysa Guddi Khubaro ah, isla markaana dib u eegaya qaraarkii 751 (1992) kaasoo iminka loo bixiyey 2498 (2019).

Guddigan Khubarada ah ayaa Golaha Amaanka usoo gudbiyey warbixinno kala duwan oo diiradda lagu saarayo dhinacyada sharciyad cusub oo QM la siiyo, sida in la mamnuuco in Somalia lasoo geliyo agabyada laga farsameeyo walxaha qarxa, maalgelinta Al-Shabaab, dhoofinta dhuxusha iyo sidoo kale maaraynta hubka iyo rasaasta.

Warbixinta ayaa waxaa xigey wada hadal dhex maray Golaha Amaanka iyo Guddiga Khubarada ah ee Somalia loo xil saaray.

Waxaa madasha laga sheegay rajo ka muuqata wada shaqaynta cusub ee DF Somalia iyo Guddigan, taasoo abuuraysa bay’o wada shaqayneed oo wanaagsan.

Waxaa sidoo kale lasoo dhoweeyay booqasho uu Golaha Amaanku ku tago Somalia.

Hadalsame Media