Somalia oo markale hoggaaminaysa ”LIIS CEEBEED” & DF oo gashay difaac jilicsan!

0

(Muqdisho) 24 Jan 2020 – Hay’adda Transparency International ayaa Somalia sanadkii 13aad oo xiriir ah Somalia u garatay kaalinta 1-aad ee dalka ugu musuqsan dunida oo idil, iyadoo ku xaafad ah South Sudan iyo Syria.

Sida ku cad warbixintii 2019-kii oo shalay lasii daayey, ayay TI ku sheegtay in Somalia ay weli tahay dalka ugu liita dhanka musuqa, iyadoo 100 dhibcood oo la heli karey 9 uun ka kasbatay. South Sudan iyo Syria waxay heleen 12 iyo 13 dhibcood, sida ay u kala horreeyaan.

Denmark iyo New Zealand ayaa loo arkay dalalka ugu musuqa yar caalamka, iyagoo wada helay 87 dhibcood, waxaana soo raacda  Finland oo kaalinta 2-aad ku joogta 86 dhibcood.

Sida ay qabto Corruption Perception Index, hab-raaca ay TI u adeegsato go’aaminta heerka musuqa, waxaa lagu dhisaa caddaymaha ay khubaradu ka bixiyaan heerka laaluushka, heerka dedaallada lagula dagaallamayo ama lagu dacwaynayo saraakiisha ku lug leh musuqaasi, jiritaanka hay’ad musuqa la dagaallanta oo madax bannaan iyo sidoo kale xornimada waaxaha garsoorka.

Waxaa kale oo la cuskadaa ilaalinta dadka dembiyadan kashifa (whistleblowers), daah-furnaanta qandaraasyada dadwaynaha iyo adeegsiga hantida dadwaynaha oo ay dano gaar ah u adeegsadaan saraakiisha dowladda iwm.

TI ayaa sheegtay inay muhim tahay in Somalia laga hirgeliyo tillaabooyin cusub oo lagu qabanayo doorasho daah-furan 2020/21, kuwaasoo laga dahaarayo musuq, iyadoo la samaynayo hab-howleedyo laaluush la dirir ah.

Yeelkeede, DF Somalia ayaa warka TI ku sheegtay mid ”maalaa yacni ah”, iyadoo uu Wasiir Maaliyadeedka,  Abdirahman Beileh, sheegay in ay tani tahay ‘iska qoriddii caadada ahayd’ ee Somalia la iskaga suntayey dalka dunida ugu musuqsan, iyadoo aan sheekada laga xoorin dhanka Somalia, sida uu sheegay.

Ha yeeshee, TI ayaa tusaale usoo qaadatay doorashadii KG Somalia, iyadoo sheegtay in xildhibaanno loo duuliyey Xamar, bishii Diseembar 2018-kii, iyadoo deeto midkiiba la siiyay $5,000 oo doollar.

Hadalsame Media