Axmed Madoobe oo weji gabax kala kulmay Maraykanka (Arag caddayntan)

0

(Nairobi) 23 Jan 2020 – Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa weji gabax uusan filayn kala kulmay dalka Maraykanka.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia, Donald Yamamoto, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madax ka tirsan Maamul-goboleedyada Somalia.

Yeelkeede, War Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaan marna lagu xusin in Axmed Madoobe uu yahay Madaxwaynaha Jubbaland, iyadoo taa biddaalkeeda loogu yeerey magaca ”Hoggaamiyaha Jubbaland.”

Safaaradda ayaa taa bidaalkeeda madaxda kale ee Maamullada ku tilmaantay ”Madaxwanayaal.”

Axmed Madoobe oo sheegtay inuu ku guulaystey doorasho uu isagu qabsaday, ayaan wax aqoonsi ah ka helin DF Somalia iyo Beesha Caalamka, marka laga reebo dalka Kenya.

Halkan hoose ka akhri…

Hadalsame Media