Safaaradda Maraykanka oo samaysay arrin Soomaali badan xusuus gelisey!

0

(Muqdisho) 24 Jan 2020 – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo daabacday sawir dad badan dib ugu celiyay 70-meeyadii, kaasoo ay ugu tala gashay inay ku ”maamuusto” Maalinta Waxbarashada Somalia.”

Safaaradda ayaa soo qaadatay sawirka arday da’yar oo hoos fadhiya geed qurac ama aqab midkood ah, kuwaas oo eegaya sabuurad miis yar la dul saaray oo wax lagu barayo.

Safaaradda ayaa boggeeda rasmiga ah kusoo qortay: Safaaradda Maraykanka oo kaashanaysa hay’adda gargaarka USAID qaybteeda Somalia, waxay u hardamaysaa sidii tacliin tayaysan loo siin lahaa ardayda oo idil – oo ay ku jiraan xoolo raacatada, barakacayaasha iyo kuwa fog oo ay adag tahay in la gaaro – meel kasta oo ay joogaan.”

Sawirkan ayaa dadka Soomaaliyeed xusuusinaya Ololihii Horumarinta reer Miyiga ee dhanka akhris/qorista oo ka mid ahaa waxyaabihii ugu wax ku oolsanaa ee uu sameeyay nidaamkii caskariga ah, kaasoo soconayey 1972-1975-kii.

Hadalsame Media