6 qof ayaa la diley dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay Jarmanka, xaaladda

0

(Rot am See) 24 Jan 2020 – 6 qofood ayaa la diley, halka dhowr kalena lagu dhaawacay toogasho ka dhacday dhanka koonfur galbeed ee dalka Jarmanka.

Booliiska ayaa sheegay inay soo qabteen nin loo malaynayo la tuhunsanaha, iyadoo uu weerarku ka dhacay meel u dhow saldhig tareen oo ku yaalla magaalada Rot am See.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha shilkan ayaa kasoo jeeda hal qoys, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Booliiska oo la yiraahdo Rudolf Biehlmaier oo u warramay n-tv.

La tuhunsanaha ayaa la rumaysan yahay inuu u dhashay Jarmanka, balse weli looma carrabaabin si gaar ah.

Booliiska ayaa sidoo kale rumaysan inuu yaqaanney qof ama laba ka mid ah dadka uu weerarka ku qaaday.

Howl adag oo amaan sugid iyo gurmad dawo iyo dhaawac ururin ah ayaa laga sameeyay meel u dhow saldhigga tareenka Bahnhofstrasse.

Wixii kasoo kordha halkan kala soco…

Hadalsame Media