HESHIIS DHACAY: Christian Eriksen oo ku biiraya Inter Milan (Tibxaha heshiiska & goorta uu Talyaaniga imanayo)

0

(London) 24 Jan 2020 – Christian Eriksen ayaa u duuli doona dalka Talyaaniga si uu horraanta todobaadka xiga (Isniinta) uu caafimaadka ugu maro kooxda Internazionale.

Laacibkan Danish-ka ah ayaa heshiis la galay camaaliqad Serie A oo ku qaadanaysa €20m (£16.7m) oo ay Tottenham ka siisatay laacibkan kubad dhisaha ah.

Talks have been ongoing for some time, with Tottenham demanding €20m from the outset and in the end the chairman, Daniel Levy, got what he wanted for a player who has been with the club since 2013 and had six months on his contract.

Inter Milan ayaa horraan €15m oo euro u joogtey adeegga laacibka, balse waxay labada dhinac heshiiyeen ugu dambayn maanta oo ay kulmeen.

Laacibka ayaa ogolaaday qandaraas 3 sanadood iyo bar ah oo uu todobaadkiiba ku qaadanayo £260,000 taasoo noqon doonta £320,000 marka bareemiyo lagu daro.

Inter oo EPL ka kalluumaysanaysa, ayaa horay usoo qaadatay Ashley Young oo u safta Manchester United iyadoo sidoo kale xiisaynaysa qanaaska Chelsea ee Olivier Giroud.

Waxay sidoo kale xagaagii tegey keensadeen Romelu Lukaku iyo Alexis Sánchez, oo ay kasoo wada qaateen Manchester United.

Hadalsame Media