Laba qodob oo ay siyaasiyiinta Galmudug uga liitaan siyaasiyiinta kale ee Somalia

0

(Hadalsame) 24 Jan 2020 – Waloow haddii daacad loo hadlo aysan guud ahaanba siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta ceelka ku jiraa ay ku wada fashilmeen inay umadda u keenaan siyaasad wax ku ool ah oo ay ku wada noolaadaan, ku kala nabad galaan, dunida uga nabad galaan, nacfiga dalkoodana ku helaan kuna ilaashadaan, balse taa biddaalkeeda ay keeneen siyaasad ku sheeg umaddii midba kan kale ku taakaynaysa, misna woxoogaa yar oo af tirtirasho ah ayaa la is dhaamaa.

Si kale haddii aan u iraahdo, siyaasiyiinta gobollada qaar ayaa ugu yaraan isku duwey wax uun ay dadku dhaanka maqan kusii dhowri karaan, iyagoo aan dab ku taagnayn.

Waxaan qoraalkan kooban kusoo qaadanaynaa siyaasiyiinta gobolka Galmudug oo ay ka muuqdaan laba astaamood oo ay uga geddisan yihiin inta badan asaaggood, tiiyoo la qiri karo inay sidoo kale jiraan gobollo iyo siyaasiyiin kale oo iyaga u qaab eg.

Hoos ka akhri labada astaamood oo kala ah:

1 – Inaysan fahmi karin inaysan suuragal ahayn inay kulligood mar qura xilka wada qabtaan, balse taa biddaalkeeda xilka loo kaltamo meeshii taasi ka dhici lahaydna la dhiso oo la salloxo, illeen meel cidlo ah xil ka iman maayee.

Waxay taa ka door bidayaan kaash yar oo ay markaa qaataan, iyadoo kharashaadka qaar ay weliba bixinayaan dalal la dirirsan danaha Somalia oo ay Galmudug ku biraysan tahay, iyagoo aad ugu howlgala caqliyadda ah ”cadkaanoow ku cunay ama ku ciidee.” Ma jirto dan dhexe oo ay dhowraan iyo waxyaabo lama taabtaan ah oo la xeeriyo, balse markii ay is khilaafaan, kaasoo ah wax joogto iska ah, midba kan kale ayuu jirid gooyaa.

2 – Inaysan wax dan ah ka lahayn wax u qabashada, xeerinta iyo u turidda umadda iyo gobollada ay mas’uuliyaddooda sheeganayaan, kuwaas oo haatan ka mid ah kuwa Somalia oo idil, oo guud ahaanba faceed ka hartay, ugu sii liita.

Labadaa sadar ayaa inta badan ugu waawayn waxyaabaha koobaya, sawiraya ama qaabaynaya caqliyadda siyaasiyiinta Galmudug, waxaanad ka arki kartaa khilaafka xarig-jiidka ah ee hor taagan in la sameeyo maamul la yiraahdo Galmudug oo saaxi u shaqaynaya.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media