Dhibaato aan lagu baraarugsanayn oo dhallinyarada ku haysata Muqdisho & gobollada dalkaba! (Waa maxay maxaase laga qaban karaa?)

0

(Muqdisho) 24 Jan 2020 – Waxaa jirta dhibaato magaalada Muqdisho ku haysata dhallinyarada da’da yar, gaar ahaan, kuwooda kubadda ciyaara, taasoo aanay weliba ku baraarugsanayn bulshada iyo maamullada kala sarreeya ee ka jira magaalada iyo xitaa gobollada dalka.

Arrintaasi waa inaanay jirin dhulal guud oo ku filan oo ay dhallintu kubadda ku dheesho, ku nastaan ama wax ku akhristaan.

Axmed Daacad oo ka mid ah dhallinyarada waxgaradka ah ee Muqdisho ayaa soo qoray: ”Maalmaha usbuuca ugu dambeysa waxaad arkeysaa jidadka xaafadaha badankood caruur ayaa ku ciyaaraya, mararka qaar dadka guryaha leh ayaa ka ceyrinaaya marar kalana gaariyaasha ayaa ka qasaaya ciyaartii.

”Xaafadaha magaaldu ma lahan garooma guud oo kuwii hore xitaa dana gaar ah ayaa loo adeegsaday, dhalinyarta waaweyna kuwa lacag ah ayey kireystaan laakin waxa dhibani waa kuwa yar-yar.

Wuu sii hadloo wuxuu raaciyay: ”Markaan arko waxaan is iraahdaa sadaqada la bixinaayo in caruurtaan meeley ku nastaan kuna ciyaaraan loogu dhisaa ugu haboon.”

Arrintan ayaa qoondo iyo qorshayn uga baahan maamullada hoose iyo kuwa dhexe ee dalka ka jira, balse uma muuqato mid marna diiradda la saarayo, sida ay adeegyada kaleba u dayacan yihiin.

Hadalsame Media