DAAWO: Gaadiidka Ciidanka Maraykanka oo is hor taagaya baabuur dagaal oo uu Ruushku leeyahay!! (Maxaa kaddib dhacay?)

0

(Baqdaad) 24 Jan 2020 – Kolonyo ku joogta gawaarida gaashaaman oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan waddanka Suuriya ayaa is hor taagay baabuur dagaal oo uu Ruushku leeyahay, sida lagu faafiyey RT.

Gawaarida Ruushanka oo ahayd kolonyo doonaysey inay iskaga gudubto xadka Suuriya iyo Ciraaq ayaa waxaa isku hor gudbey gaari gaashaaman oo ay Maraykanku leeyihiin.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa Ciidamada Ruushka oo lagu khasbayo inay u weecdaan jidka wayn, welibana waxaa sii gelbiyey Ciidamada Maraykanka ee isbaarada u dhigtay, lama se oga waxay ku qanciyeen Ciidamada Ruushka.

Dilkii Sulaymaani loogu gaystey gudaha Ciraaq ayaa muujinaya in aan Maraykanku markan tixgelinaynin madax banaanida gayi ee dalka Ciraaq.

Qof ka aragti dhiibtey ayaa soo qoray: ”Maraykanku ma waxay moodayaan in ay Ciraaq tahay gobol ka mid ah Maraykanka.”

Hadalsame Media