DAAWO: Cudurka ka dillaacay Shiinaha oo ka bilowday cunista xayawaan aadan malaysan karin! + Sawirro

0

(Wuhan) 23 Jan 2020 – Waxaa soo baxay muuqaalka haweenay Chinese ah oo cunaysa maraqiisana cabaysa shimbirka Fiid-meerta ama Kebelliga.

Muuqaalkan ayaa aad u xulaya baraha bulshada maadaama la rumaysan yahay in virus-ka haatan faraha ba’an ku haya dalkaasi uu asal ahaan ka dhashay caanaleeydan duusha.

Muuqaal kale ayaa isna muujinaya dad ku hadlaya lahjadda Cantonese-ka oo iyagoo cashaynaya cabaya maraq laga diyaariyey Fiid-meer.

Caabuqan cusub ee ka dhalanaya fayruska coronavirus, oo ka bilowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taalla ee Wuhan bishii tagtay, ayaa sababay geerida 17 qofood iyo jirrada 590 qofood, iyadoo gebi ahaanba la xirey goobihii dadwaynaha ee magaaladan oo ay deggan yihiin 11 milyan oo qofi.

Fayruska aan dawada lahayn, sida caadiga ahba, ayaa keenaya inuu qofka ku dhoco cudurka Qaar-jeexa ee feeraha ku dhaca ama pneumonia, balse wax badan lagama fahamsana astaamihiisa iyo xogaha la xiriira gebi ahaanba.

Culimada caafimaadka ayaa rumaysan in cudurkani asal ahaan insaanka kaga imanayo masas iyo Fiid-meer la cunay ama la taabtay.

Shiinaha ayaa laga cunaa ku dhowaad shay kasta oo nool.

Hadalsame Media