Sida ay Denmark kusoo gashay kiiska Amaal, sida ay ku heleen & DF oo ka ilduuftay hal arrin oo asaasi ah!

0

(Muqdisho) 23 Jan 2020 – Warar hore ayaa sheegeyey in DF Somalia ay Amaal Nuur Cusmaan oo ah gabar qoyskeedu ka maqneyd mudo laba bilood ay ku wareejisay dowladda Denmark, kaddib markii ay Booliisku sheegeen inay gabadha iyagu hayaan oo ay soo heleen.

Wararku waxay sidoo kale sheegayeen in ay gabadhu la joogtey ilaalada Madaxtooyada Qaranka oo iyagu qarinaya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, Cabdinuur Axmed, ayaa qiray inay gabadhu u dhooftay dalka Denmark oo ay la wareegtey dowladda dalkaasi oo bilowgii gaysey Safaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho kaddibna halkaa laga dhoofiyey.

Wuxuu Agaasimuhu meesha ka saaray wararkii horay loo qabey ee ahaa inay gabadha Xalane u gudbisey DF iyo inay la joogtey Ciidamada Madaxtooyada midna, wuxuuna sheegay inay iskeed u tagtay Xalane, iyadoo sii martay ururro uu sheegay inay u doodaan ”xuquuqul insaanka.”

”Waxaan la hadlay Qunsuliyadda Safaaradda, waxayna ii sheegeen inay gabadhu qaan gaar tahay oo ay aayeheeda maaran karto, isla markaana ay u celinayaan Denmark oo ay dhalashadeeda haysato maadaama ay ku dhalatay,” ayuu yiri Cabdinuur.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in la siiyey dookh ku saabsan in haddii ay dacwo qabaan ay soo gudbin karaan, balse haddii kale aysan jirin sabab ay gabadhu halkaa usii joogto.

HAL ARRIN OO LAGA ILDUUFAY!

Hal arrin ayaa se jirta oo muuqata inay DF Somalia lafteedu ka il duuftay waana xaqiiqada ah in maadaama meesha la joogaa ay Somalia tahay, gabadhuna ay tahay muwaadin laba dhalasho haysta, uu sharciga Somalia mudnaanta leeyahay, sidaa darteed, ay DF ku doodi karto in arrintu ay tahay mid maxalli ah oo ay taladeedu ka go’do iyaga, halkii hortooda uu gabadha ku qaadan lahaa dal ugu talinaya kaliya inay Baasaboor ka haysato, taasoo ah xuquuq ay sidoo kale Somalia leedahay, maadaama ay gabadhu haysato laba dhalasho (dual citizenship).

Marka ay halkaa joogto, waxaa DF Somalia u furnayd inay ku dooddo in Somalia aanay ka tirsanayn dalka Denmark, maadaama ay gabadhu haysato laba dhalasho oo uu markasta qabanayo midka dalka ay markaa ku sugan tahay.

Tusaale ahaan, sida marka ay gabadhani Denmark joogto uu u qabanayo sharciga Denmark oo qura, ayay marka ay Somalia joogto u hoos tegeysaa xeerarka Somalia, qof aan waalidkii raalli ka ahaynna lama kexaysan karo, marka la eego xeerka Somalia.

Waxaa kale oo ay arrintani furaysaa jid cusub oo ah in dalalka ay waalidiintu mararka qaar carruurta kala soo cararaan looga daba tago Somalia, maadaama la og yahay inaysan halkaa jirin hay’aad dowladeed adag oo sharciyan ugu doodi kara dhallinyaradaas Soomaaliyeed.

Hadalsame Media