SAWIRRO: Taliyaha Xoogga Dalka oo kormeer ku tegey Ballidoogle (Kulan xasaasi ah)

0

(Ballidoogle) 23 Jan 2020 – Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle ee guutada 16-aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay, saraakiisha iyo Ciidamada, oo uu ku boggaadiyey guusha joogtada ah ee ay ka soo Hooyaan dagaalka lagula jiro xag-jirka iyo argagixisada, sida lagu faafiyey warfaafinta DF.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska Xoogga Dalka Hawlgalada dabar Gooynta oo ay kuhaayaan Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda .

Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka dalka looga xoreeynayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah Taliska Guutada 16-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka oo inta badan sameeya howlgallo ka dhan ah kooxda Shabaab.

 

Hadalsame Media