Arrin dad badani dhibsadeen oo ka jirta Garoonka Aadan Cadde (DF oo baaq loo dirayo)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2020 – Waxaa soo baxaysa cabasho kasoo yeeraysa Gegada Caalamiga ah ee Aadan Cadde, taasoo ay gaar ahaan la kulmayaan dadka doonaya inay halkaa ka dhoofaan.

Amiin Y Khasaaro oo ka mid ah weriyeyaasha Muqdisho ku sugan oo arrinkan la socda ayaa soo qoray sidatan:

”Dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ayaa dhibaato ku qabo qaarkoodna waxaa la ii sheegey in Diyaaradii ka tagtey markii lagu dhagey isagoo Dukumenti sax ah Haysta, waxaana lala fiirsadaa qofka dhoofaya marka Diyaarada uu raacayo, oo ah waqtiga uu ugu jilicsan yahay si uu deg deg ugu bixiyo wixii lacag ah ee laga qaadi karo.

”Nin saaxiibo ah oo u socdey wadanka Masaambiik ayaa lagu dhegey waxaa la yiri “Maxaa ka dooneysaa Musaambiik” waxaa uu yiri ” 7 Sanno ayaan degenahay Musaambiik waana u jeedaan Dukumentiyadeyda Degenaanshaha dalkaas, marka waxaad iigu dhegtaan waa gardaro”

”Saaxiibkey dadaal dheer iyo xiriiro uu sameeyey ayaa u suurtagashey in laga fuqo waxaana uu noqdey ruuxii ugu dambeeyey ee raaca Diyaaradda”

”Wuxuu u soo jeediyey Dowlada Federaalka in il gaar ah ku eegaan waxaa la socda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee maalin waliba farqaha lagu dhagen yahay dadka ka dhoofaya garoonka ama ka soo dagaya iyagoo dukumentiyadooda sax yihiin.” ayuu kusoo afjaray Amiin.

Hadalsame Media