Ma malayn kartid muuqaalka cusub ee Tiyaatarka Qaranka oo mar dhow la furayo (Arag sawirrada)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2020 – Waxaa muddaba soconaya dayactirka Tiyaatarka Qaranka oo ku burburay dagaalladii sokeeye, kaasoo iminka meel wanaagsan soo gaarey.

Dayactirka Tiyaatarka Qaranka oo gebi ahaanba ay fulinayaan shacabiga Muqdisho iyo DF Somalia oo hindistey Barnaamijka Is-Xilqaan, ayaa haatan maraya marxaladdii ugu dambaysey.

Waxaa haatan la marsiinayaa qurxinta iyo qalabaynta qaacada ama hoolka Tiyaatarka oo ka kooban fadhiga jamaahiirta iyo masraxa jilliinka.

Waxaa qorshuhu yahay in goor dhow Tiyaatarka Qaranka lagu jilo ruwaayad ama film tikit lagu gelayo.

Waxaa sidoo kale meel wanaagsan maraya dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Istaadiyo Muqdisho oo isna la dayac tiray.

Hadalsame Media