AMISOM oo ciidamo cusub oo booliis ah Muqdisho keentay (Howl ay Somalia qabsan karto oo ay qabanayaan)

0

(Muqdisho) 20 Jan 2020 – Waxaa Muqdisho la geeyay ciidamo cusub oo Booliis ah kuwaasoo sida uu sheegay Taliyaha Booliiska AMISOM, Jen. Augustine Kailie ay shaqadoodu noqon doonto, gelbinta dadka muhimka ah sida madaxda, tababarka Booliiska Soomaaliyeed, dhismaha xarumo Booliis iyo ilaalinta goobaha doorashooyinka 2020.

Ciidamadan cusub ee iminka yimid oo gaaraya 140 askari kana yimid dalka Nigeria ayaa waxaa shaqadooda sharraxaad ka bixiyey Taliyaha Ciidamadan oo ah Shehu Ahmed Gani.

”Waxaannu leenahay dhawr kaalin, kaligeen hawsha ma qaban doonno, anaga oo kaashaneyna Booliska Soomaaliya taas waa sababta aan ula shaqeyneynaa. Anaga oo iyaga kaashaneyna marka kowaad waxaan sugi doonnaa ammaanka goobaha codbixinta doorashada, saldhigyada booliska, waxaan galbineynaa qalabka doorashada, sidoo kale waxaan sugeynaa ammaanka saraakiisha doorashada, maxaa yeelay hadii aad dooneysid in doorashadu noqoto xor iyo xalaal, waxaa khasab kugu ah in aad jawi nabdoon u abuurto dhammaan ciyaaryahanada si ay ciyaarta si cadaalad ah u ciyaarayaan.” ayuu yiri.

”Hadii ay jiraan dad cabsanaya oo ka walwalsan doorashada, joogidda Booliska waa in ay xaqiijiyaan in qof walba ammaan haysto, oo ay xor u yihiin in ay gutaan,” ayuu daba dhigay.

Waxaa Somalia jooga ciidamo Booliis ah oo hoos taga AMISOM, kuwaasoo ka kala yimid Nigeria, Uganda, Kenya, Siera Leone iyo Zambia.

Arrintan ayaa muujinaysa inaysan dowladihii kala dambeeyay 10-kii sano ee lasoo dhaafay aanay aasaasin ciidamo la isku hallayn karo.

Hadalsame Media