Ciraaq oo iyada oo ka dabaaqaysa duqaymaha Maraykanka dalbtay gantaalaha Ruushka (Xaalad cakiran)

0

(Baqdaad) 20 Jan 2020 – Ciraaq ayaa u qayla dhaansatay Ruushka kaddib markii ay duqaymo uga yimaadeen Maraykanka oo dalkaa ku diley laba sarkaal sare oo uu mid ahaa Iiraani xukumayey qayb muhim ah oo ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga.

Baqdaad ayaa Ruushka ka dalbatay gantaalaha daafaca cirka ee S-300, si ay iskaga caabbiso weerarrada cireed.

Weerarka lagu khaarajiyey taliyihii maliishiyaadka Shiicada ah ee Xashd Al Shacbi (PMU), ayaa keentay in ay Ciraaq “soo celiso wadahadalladii ay ku doonaysey gantaalaha S-300,” sida uu sheegay Mohammad Ridha, oo ah Guddoonka Guddi Hoosaadka Difaaca ee Baarlamanka Ciraaq.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa ku dhiirrada inuu cunaqabatayn saaro dalalka isku daya iibsiga gantaalaha Ruushka ee cirka, isagoo dhowr cunaqabatayn saaray Turkiga, kuwa kalena ugu hanjabey Hindiya oo doonaysa inay iyaduna iibsato.

 

Hadalsame Media