”Marka uu Cali Dheere sheegto inay shacabkii laayeen cidda la dhaafayaa waayo?” – Axmed Madoobe oo ganacsatada Boosaaso uga digey inay lacago baad ah bixiyaan!

0

(Boosaaso) 20 Jan 2020 – Axmed Madoobe oo ah MW Jubbaland ayaa isaga oo la hadlaya dad ku sugnaa munaasabad uu ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ganacsatada Bariga uga digey inay hantidooda ku maalgeliyaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

”Boosaaso waan ogahay oo laba buurood oo ay laba kooxood ku kala jiraan baa ku hareereeysan, qof aniga iga yaqaannaana ma jiro, diinna uguma jiraan, dadnimo kalena ma laha.” ayuu ku bilaabay Axmed Madoobe oo is waydiiyey sababta ay u laynayaan dadka aan waxba galabsan sida ardayda iyo abriyada kale.

”Waxaad ogaataa hal axsaan haddii aad u samayso, dhib kasta oo ay dadka u gaystaan sida miino ay tuureen ama qarax ay gaysteen mas’uuliyad baad ku yeelanaysaa.” ayuu daba dhigay.

”Shacabku ma wada gaalaa maxay ku dhimanayaan? Ganacsatada bakhiilnimo waan ku ogaa, balse fulaynimo ayay ku darsadeen. Ilaah baan idinku dhaariyee dadkii ku baaba’ay Soobbe iyo kuwii shalay ku dhintay Koontoroolka Afgooye ee uu Cali Dheere inta istaagey yiri ”annagaa dilney”, dadka la ilaalinayo waa ayo markaas?” ayuu is waydiiyay Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ganacsatada reer Bariga kula dardaarmay inay joojiyaan wax uu ku sheegay lacago ay ”hoosta ka siiyaan iyo xiriir ay la sameeyaan”, isagoo sheegay inaysan nimankaasi cidna u naxariisanayn.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa laftiisa lagu eedeeyaa inay Shabaabku ka faa’iidaystaan dhuxusha laga dhoofiyo magaalada Kismaayo, isagoo weliba diidey inuu dhaqan galo cunaqabatayn Somalia laga saaray in dhuxul laga dhoofiyo.

Hadalsame Media