DEG DEG: RW Xasan Cali Khayrre oo gebi ahaanba hakiyey mashruucii muranka dhaliyay!

0

(Muqdisho) 18 Jan 2020 – RW Xasan Cali Khayrre ayaa gebi ahaanba hakiyey mashruuc saaka hawada soo galay oo ay dad badani la yaabeen qaabka loo qoondeeyay oo ay cadaalad darro badan ka sheegteen.

Mashruucan oo ay ku baxayso 112 milyan oo doollar ayaa lagu qadiyay magaalooyin badan oo baahi badan u qaba horumarin dhanka kaabayaasha ah.

”Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.” ayaa lagu yiri war ku dhow dhow xafiiska RW Khayrre.

”Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.” ayaa la daba dhigay.

Hadalsame Media