DEG DEG: Tanzania vs Somalia 84-101 (Miyay soo baxday Somalia?)

0

(Nairobi) 18 Jan 2020 – Somalia ayaa ciyaartay kulankeedii ugu dambeeyay ee tartanka Kubadda Kolayga ee Aagga 5-aad ee FIBA.

Somalia ayaa ku raaxaysatay xulka Tanzania oo ay uga badisay 84-101, iyadoo ciyaarta ku gacan sarraysey min biloow ilaa dhamaad.

Somalia ayaa Tanzania uga sarraysey dhanka farsamada iyo caaboonaanta, balse Tanzania ayaa ku fiicnayd dhanka difaacashada iyo dhalinta halka jeeso, halka ay Somalia taas uga siraad kortay dhalinta 3-da jeeso oo ay ku fiicnayd.

Somalia ayaa ciyaartay 4 kulan oo ay 2 badisay, 2 kalena laga adkaaday, waxayna wareeggeeda ka gashay kaalinta 3-aad waana hartay, waxayna TV-yada shisheeyaha ah ee ciyaarahan soo duwayay sheegeen inay Somalia ahayd xulka ugu xiisaha badnaa tartanka oo idil.

Waxaa ku xigta ciyaarta Eritrea oo ay Somalia shalay ka badisay iyo Burundi.

Hadalsame Media