DAAWO: Aqoonyahan Carbeed oo si jees jees ah uga hadlay qaraxyada Afgooye lagula beegsaday injineerrada Turkiga ah (Maxay tani muujinaysaa?)

0

(London) 18 Jan 2020 – Nin Carab ah oo la yiraahdo Amjad Daaha oo sheegta inuu yahay cilmi baare ku xeel arrimaha siyaasadda iyo istaraatijiyadda, ayaa si jees jees ah uga hadlay qarax lagu weeraray injineerro Turki ah, isagoo weliba sheekada u bedelaya inay sirdoon ahaayeen.

Ninkan oo u shaqeeya hay’adda British Middle East Center for Studies and Research (BMCSR), una dhashay Sucuudiga, balse haysta dhalashada UK, ayaa Wuxuu Twitter ku soo qoray: ”Qarax lagu bartilmaameedsaday qandaraas qaatayaal sirdoon ah oo u dhashay Turkiga ayaa ka dhacay magaalada Afgooye, oo ku taalla Shabbeellaha Hoose, taasoo 30 KM woqooyi galbeed (jiho khaldan ayuu qoray) Muqdisho.”

”Shacabka Soomaalidu weli kuma baraarugsana howlgabyadan raacsan Turkiga oo taageera argagixisada Somalia…Kaasoo laga soo erey Somaliland.” ayuu daba dhigay, ninkan oo soo dhigay muuqaal u eg mid uu joogo Hargaysa.

Arrintan ayaa muujinaysa warar horay usoo baxayey inay jiraan gacmo shisheeye oo ka dambeeya qaraxyada lala eeganayo Turkiga oo ka shaqaynaya mashruuc anfacaya shacabka sida jid la dhisayo, taasoo dhibaysa dalal badan oo Carab ah oo si dhiirran u muujinaya inaysan wanaag marna la doonayn Somalia.

Hadalsame Media