Halyeeygii dalka Turkiga ee Hakan Şükür oo ay dantu badday inuu isu rogo darawal TAXI (Erdogan oo uu aad uga sheegtay)

0

(Los Angeles) 15 Jan 2020 – Laacibkii hore ee Inter Milan, Torino, Parma iyo Galatasaray ee Hakan Sukur ayaa qirtay in uu hadda darawal ka yahay taxi Uber ah kaddib markii uu kasoo cararay dalkiisa Turkiga.

Hakan oo haatan 48-jir ah ayaa Serie A ka dheelayey min 2000 ilaa 2002, isagoo 9 gool dhaliyey 44 kulan oo Serie A ah, isagoo xulka Turkey ka caawiyey inuu kaalinta 3-aad ka galo KA2002.

Ninkan ayayse noloshiisu madaxa ku socotey dhanka Turkiga kaddib howlgabkiisa, isagoo markii hore galay siyaasadda isagoo loo doortay Baarlamanka, balse 2011-kii ayay si xun iskugu dheceen MW Turkey ee Recep Erdogan.

Hakan Sukur, iyo siyaasiyiin iyo ashkhaas kale ayaa lagu eedeeyay inay gacan ku lahaayeen afgembi dhicisoobey, taasoo soo dedejisey inuu dalka ka cararo.

“Anigu waxba uma qabo Erdogan, balse iminka waxba iima harin; xorriyadaydii hadal iyo shaqo midna, mana jiro qof ii sharraxay waxa la igu eedeeyay,” ayuu u sheegay warqaadka Jarmanka ah ee Welt am Sonntag.

Hakan ayaa sheegay in uu noqon karo cadowga dowladda haatan jirta, balse aanu marna ahayn cadowga dalkiisa Turkiga, balse markii ay isku dheceen Erdogan lagu bilaabay hanjabaado, dukaanka xaaskiisa la weeraray, carruurtiisa la waabsaday, aabihii la xirey, hantidiisiina lala wareegay.

“Sidaa darteed baan Maraykanka ugu wareegey, bilowgii maqaaxi ayaan ka furtay California, balse dad aanan aqoonin ayaa bilaabay inay makhaayadda iigu yimaadaan, kaddibna waxaan bilaabay inaan Uber ku shaqaysto oo aan buugaag iibiyo.” ayuu yiri.

Hadalsame Media