Ilaa 50 wakiil oo ka tirsan Koongarayska oo warqad muhim u ah Soomaalida Maraykanka u qoray Maamulka Trump (Maxaa ku dhigan?)

0

(Washington, DC) 15 Jan 2020 – Wakiillada Ilhan Omar, Pramila Jayapal, Yvette D. Clarke, iyo Adam Smith ayaa horkacaya ilaa 50 wakiil oo warqad u qoray Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo iyo ku Simaha Wasiirka Amaanka Qaranka, Chad Wolf.

Xildhibaannadan ayaa Maamulka Trump si rasmi ah uga codsaday in loo saamaxo Soomaalida Maraykanka ku nool inay halkaa kusii joogaan maqaamka loo yaqaanno Maqaamka Ilaalinta Kumeel Gaarka (TPS), si ay sharciyan ugu sii joogaan dalka Maraykanka.

17-ka Maarso ee sanadkan 2020, wuxuu maqaamka TPS ka dhacayaa in ka badan 500 oo Soomaali ah, kuwaasoo Somalia loo tarxiili karo haddii aan loo cusboonaysiinin.

Waloow ay Somalia soo yara hagaagaysey 10-kii sano ee tegey, misna xaaladaha amaan ee dalku aad bay halis u yihiin, oo kuma habboona meel dad qaab khasab ah loogu celin karo.

“Xaaladda amaan ee Somalia weli aad bay halis u tahay, iyadoo ay kooxda xag-jirka ah ee Al-Shabaab ay weli sii haystaan dhulal badan, isla markaana ay fulinayaan qaraxyo ka dhan ah shacabka oo ka dhaca Muqdisho iyo meelo kale,” ayay warqadda ku qoreen xildhibaannadan.

“Dad badan oo TPS haysta waxay kasoo baxsadeen isla Al-Shabaab waxayna Somalia ku noqonayaan iyagoo dhabarka ka calaamaysan, haddii loo celiyana waa sida iyadoo toogasho lagu xukumay.” ayay daba dhigeen.

Wakiilladan ayaa warqadooda ku xusay in horay loo diley Soomaali badan oo Maraykanka laga celiyey, iyagoo sheegay in dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo habluhu ay halis wayn ku jiraan, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media