Abaalka ay shacabka Muqdisho Soomaalida u gasho cidna uma guddo! (Akhri sheekadan)

0

(Hadalsame) 15 Jan 2020 – Bulsho weynta Koonfur wey ka Soomaalinimo iyo dad jecel yihiin marka loo eego kuwa kale ee ka yimid deegaanada kale.

Xaqiiqda oo aan indhaha laga qarsan waxay soo saartaa runta mideeda raasamaalka ah.

Xamar waxaa maanta ku sugan bulsho badan oo intood kaga saamayn roon kuwii deegaan ahaan u deganaa magaalada dhinacyada Shaqooyinka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo nolosha kaleba waxaana middaas u suuro galisay bulshada Muqdisho oo usoo dhaweeya si laab furnaana mid kasta oo ka yimaada gobolada kale ee Soomaalidu degto ilaa Wajeer, Kenya, Tojoro, Jabuuti iyo Diridawa, Ethiopia.

Haddii run la sheegayo maanta ma jiro, qof dhalad reer Muqdisho ah oo la siinayo Baasaboor Ethiopian, ma jiro Jabuutiyaan iyo Kenyaba, Iskaba daa inuu masuul dawladeed ka noqdo e’

Haddaba midda layaabka igu ahi waxay tahay ee aan jawaab u laayahay! maxaa wiilka/gabadha reer Muqdisho inuu wasiir ama masuul dawladeed noqda uga diiday Jabuuti, Kenya iyo Soomaalida Ethiopia halka ku kasta oo ka midda dadka deegaanaad ay Wasiiro iyo xildhibaano uga noqonayaan halkan, waa Dawladda Soomaaliya e’

Maxaa Wiilka/gabadha reer Muqdisho Baasaboorka Jabuutiyaanka, Kenya ama Ethiopian aysan Soomaalinimo ugu qaadan karin kuwa deegaanada kalena kay doonaan qaadan kara?

Dawladda Soomaaliya yeyse Soomaali u aqoonsan tahay? Marka Jinsiyada Soomaalinimo laga yimaado yaa xuduudaha wixii ka baxsan wax ka noqon kara?

Khudbad kooban oon ka jeediyey shirkii ganacsiga dhallinyarada.

Waxaa Qoray: Garaad X. Xaaji Ismaaciil

FG: Qoraal kasta waxaa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media