Nin xaaskiisa si xun u garaacay ee kaddib sawirradeeda saaxiibadii u diray (Ujeeddo nacasnimo ah oo uu ka lahaa)

0

(Lebedyan) 14 Jan 2020 – Nin ayaa wajahaya 16-sano oo xabsi dheer ah, kaddib markii uu xaaskiisa si xun u garaacay ilaa ay ka miid daboolanto (coma), isagoo kaddib sameeyay tillaabo yaqyaqsi leh oo ah inuu sawirradeeda u diray saaxiibadii si uu ugu ”faano inuu naagtiisa ka adag yahay.”

Anastasia Oviannikova ayaa dhaawacyada halista ah ee uu gaarsiiyey u dhimatay kaddib markii ay miir daboolnayd muddo 6 maalmood ah oo ay isbitaal taalley, taasoo uu baday Maxim Gribanov oo kula noolaa Lebedyan, galbeedka Russia.

Ninka ayaa gabadha ku maagey inay u sheegtay inay ka tegeyso, waxaana sawirrada uu ka qaaday ka mid ah mid ay fadhiga joogto iyadoo uu meel kasta ka jugeeyay Anastasia oo 28-jir ahayd.

Waxyaabaha uu u gaystey waxaa ka mid ah jirkeeda oo meelo badan ka xag xagnaa ama ka jeexnaa, dhiig bax gudeed iyo lafo badan oo uu ka jebiyey.

Gribanov ayaa gabadha kala daaley feer iyo laad, isagoo dhowr saacadood kaddib isagoo aan isbitaal u kaxaynin sawirro ka qaaday si uu saaxiibadii u tuso.

Saaxiibada Anastasia ayaa sheegay inuu ninkani hanjabaado culus ku hayey gabadha, isagoo u sheegay inuu dilayo haddii ay ka tagto, wuxuu xitaa u hanjabey aabeheed iyo walaalkeed.

Hadalsame Media