DAAWO: Dilaagii ugu waynaa QARNIGII 20-aad oo uu ku dhacay cudur halis ah

0

(Bogota) 14 Jan 2020 – Nin kaligii ka mas’uul ah khaarajinta 300 oo qofood ayaa waxaa ku dhacay kansarka dhuunta oo uu iminka bestii la yahay.

Ninkani waa dilaaga ku caanka ah Pablo Escobar, balse magaciisa asaliga ihi uu yahay Jhon Jairo Velásquez Vásquez, known ama ‘Popeye’, kaasoo loo arko daroogo iibiyihii abid ugu waynaa adduunyada.

Diiwaanka dembiyada Vásquez ayaa waxaa ka mid ah toogashooyin badan, gawaari dad lagu qarxiyey, argagixiso, afduub, ka ganacsi daroogo iyo qaar kale.

Kaddib markii uu soo liqay 24 sano oo xabsi ah, ‘Popeye’ ayaa lasii daayey 2014-kii, iyadoo aad looga hadal hayey dalkiisa Colombia.

Hilinka RT qaybtiisa dokumenteriga ayaa barnaamij ka sameeyay nolosha dilaagan ee halkan ka daawo.

Hadalsame Media