Aabayaasha gabdhaha badan oo ka cimri dheer kuwa wiilasha badan (Daraasado is burrinaya)

0

(Kraków) 14 Jan 2020 – Gabdhaha ayaa la sheegay inay aabbayaashood u fiican yihiin marka wiilasha loo eego, iyadoo sida ku cad daraasad cusub ay aabayaasha gabdhaha badan dhalay ay ka cimri dheer yihiin kuwa wiilasha dhalay.

Waloow markii ilmo dhalid laga hadlayo hooyooyinka uun la eego, waxaa daraasaddan lagu eegay aabayaasha iyo saamaynta caafimaadkiisa iyo jirkiisa ku dhacda marka uu ilmo u dhasho.

Daraasaddan oo ay samaysay Jagiellonian University, oo ku taalla Kraków, Poland, ayaa waxay ururisay xogta  4,310 oo qof, kuwaasoo kala ah 2,147 hooyo iyo 2,163 aabbe.

Waxaa lagu ogaadey in wiilashu aanay wax saamayn ah ku yeelanin aabbayaashiid, yeelkeede, waxaa caddaatay in odayba midka uu ka gabdho badan yahay uu ka cimri dheer yahay.

Weliba waxay daraasaddu leedahay in halkii gabarba ay celcelis ahaan cimriga aabbeheed ku kordhinayso 74 todobaad oo dheeraad ah, balse hooyada waxba uma kordhin, marka la eego dadka la daraasadeeyay.

Daraasad kale oo lagu daabacay American Journal of Human Biology, ayaa sheegaysa in wiilasha iyo gabdhuhuba ay saamayn xun ku yeeshaan caafimaadka hooyada.

DARAASAD KALE

Daraasad kale oo middan ka hor imanaysa oo 14 sano la wadey ayaa sheegaysa in ilmuhu, wiil iyo gabarba, ay kordhiyaan cimriga waalidkood hooyo iyo aabbeba, marka loo eego waalidka aan ilmaha lahayn.

Hadalsame Media