Turkiga oo samaysanaya xitaa matoorka dayuurad jiilka 5-aad ah oo u dhiganta F-35 Lightning II

0

(Ankara) 10 Jan 2020 – Dayuuradda guuxeeda ka dheereeysa ee Turki sameega ah ee TF-X MMU – oo ay wada samaynayaan labada shirkadood ee TAI iyo SSB – ayaa duullimaadka 1-aad samayn doonta 2029, iyadoo weliba ku shaqaynaysa matoor Turki samee ah.

Waxaa xoowli ku socota shaqada matoor maxalli ah oo ay samaynayaan sharikaadka agabka ciidamada ee Turkiga ah, sida uu sheegayo Osman Dur, Maareeyaha Guud ee shirkadda TR Engine, oo daraasadeeysa matoorrada gaaska ku shaqeeya nooca turboshaft.

Wuxuu sheegay inay 80 injineer oo Turki ihi iminka ku howllan yihiin dhismaha matoorka dayuuradda, iyagoo kaashanaya Taliska Ciidamada Cirka Turkiga.

“Matoorkani wuxuu dhamaystirmayaa 2026 ama 2027. Waxayna dayuuraddu duullimaadka 1-aad samayn doontaa 2029,” ayuu yiri Osman.

Dayuuraddan oo ah jiilka 5-aad ee casriga ah ayaa u naqshad iyo shaqo eg midda Lockheed Martin ay samayso ee F-35 Lightning II, oo Turkiga loo diiddan yahay, waxayna bedelaysaa raxanta Turkigu haatan haysto ee F-16, oo la doonayo in gebi ahaanba howlgab laga dhigo 2030-ka.

Turkiga ayaa haatan dhanka matoorrada dayuuradaha ugu tiirsan sharikaad ay ka mid yihiin Rolls-Royce.

Hadalsame Media