XOG FAAHFAAHSAN: Min markii uu dayuuradda Dimishiq kasoo raacay ilaa laga duqeeyay & dadka loo haysto inay far muuqeen Qaasim Sulaymaani (Qaybtii 1-aad)

0

(Baqdaad) 10 Jan 2020 – Jen. Qassem Soleimani ayaa la sheegay inuu yimid gegada Dimishiq isagoo xiran ookiyaalo dugul ah. Waxaa wehlinaya 4 askari oo ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Iiraan.

Waxay gaariga dhigteen, meel u dhow jaranjarada dayuurad nooceedu yahay Cham Wings Airbus A320, oo u duulaysa Baqdaad.

Soleimani iyo ilaalada la socota midkoodna kuma qorna bayaanka caddaynaya magacyada rakaabka raacaya dayuuradda Cham Wings, sida ay haatan u sheegeen Reuters.

Soleimani ayaa la sheegay in uu iska daayay inuu qaato dayuuraddiisa khaaska ah, walaac amaan oo la socdey dartii, sida ay sheegeen ilo amaan oo Ciraaqi ah oo si wanaagsan ula socdey tartiibaadka amaanka Sulaymaani. Waa dabcan diyaaraddii ugu dambaysey oo uu abid raaco.

Haatan baarayaasha ayaa diiradda saaraya war ay ku sheegeen inay ninkan shir qooleen dad Maraykanka si qarsoodi ah ula shaqaynayey oo ku sugnaa gegooyinka Dimishiq iyo Baqdaad, kuwaasoo si sax ah u sheegay meesha uu ninkani ku sugnaa, sida ay qortay Reuters.

Waxaa haatan la baarayaa 2 sarkaal oo dhanka amaanka ah, 2 ka shaqaynayay garoonka Baqdaad, 2 sarkaal oo booliis ah iyo laba shaqaale oo ka tirsan dayuuradda Suuriyaanka ah ee Cham Wings Airlines, oo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana saldhigata Dimishiq.

Dadka sida gaarka ah ay diiraddu u saaran tahay waa labada nin ee amaanka ka tirsan ee Ciraaqiyiinta ah ee gegada Baqdaad iyo labada shaqaale ee Cham Wings, waxaana afartan qofood oo aan weli gacan lagu dhigin lagu tuhunsan yahay inay xogo badan ku quudinayeen Maraykanka.

La soco qayb kale oo faahfaahin xasaasi ah ka bixinaysa goorta uu dayuuradda ka degey, halka uu maray iyo sida ay ku heleen Mahdi Al Muhandis iyo saacadaha, ilaa laga duqeeyo.

Hadalsame Media