Turkiga oo haddii uu Maraykanku Iiraan ka duqayn lahaa Saldhigga Incirlik tillaabadan qaadi lahaa!

0

(Ankara) 10 Jan 2020 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa Maraykanka ka diidey in uu Iiraan uga duulo saldhigga ay ciidamadiisa cirku ka joogaan Turkiga ee Incirlik Airbase, haddii ay lacalla noqoto inuu Maraykanku u muraado inuu duqeeyo dalkaasi, sida ay ogaadeen BulgarianMilitary.com, oo xiganaya Regnum.

Erdogan ayaa Maraykanka uga digey in aanay duqaynta Iiraan u adeegsan karin saldhigga Incirlik oo u dhow magaalada Adan.

Welibana intaa kuma harine, wuxuu Erdogan Washington u sheegay in haddii ay diidmadaa dhegaha ka furaystaan uu Turkigu ku khasbanaan doono inuu gebi ahaanba xiro saldhiggaasi Incirlik.

Xiisadda labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa haatan deggan, balse aan weli fadhin.

Hadalsame Media