RASMI: Turkish Airlines oo aan dul mari doonin dalalka Ciraaq & Iiraan

0

(Ankara) 09 Jan 2020 – Dayuuradaha Turkish Airlines (THY) iyo Pegasus Airlines ayaa si KMG ah u hakiyey inay duullimaad ku tagaan ama xitaa adeegsadaan oo dul maraan hawada dalalka Ciraaq iyo Iiraan.

Tillaabadan ayaa waxaa sidoo kale horay u qaaday dhowr shirkad duullimaad oo sidaa u yeelaya inay ka fogaadaan khataraha iman kara, jeer ay xaalad cakirani ka taagan tahay gobolka Bariga Dhexe.

Turkish Airlines ayaa sheegtay in iyada oo xeerinaysa xaaladda Iiraan iyo Maraykanka, ay hakinayso duullimaadyadii aadayey Ciraaq iyo Iiraan, gaar ahaan maanta inta u dhaxaysa 9 p.m. ilaa (1800GMT). Dayuuraddan ayaan sidoo kale dul mari doonin labada dal.

Cabsida dayuuradaha ayaa waxaa ugu wacan dhicitaanka Dayuurad ah nooca Boeing 737 oo laga leeyahay Ukraine oo ay ku dhinteen 176 rakaab ah.

Hadalsame Media